Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afar caruur oo walaalo ahaa oo biriq ay ku dishay Galgaduud


Roob xoog leh oo xalay ka da’ay qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa sababay dhimashada afar qof oo caruur ah iyo dhaawaca laba qof oo kale oo midi ay tahay hooyadii dhashay caruurtan oo isku qoys ahaa.

Wararka laga helayo deegaanka Ina Mid oo qiyaastii 35 km u jira magaalada Dhuusamreeb ayaa sheegaya in qoyskan oo reer miyi ah ay ku dhacday biriq, halkaasi oo afarta caruur ay ku dhinteen.

Dhinaca kale, gudaha magaalada Dhuusamreeb ayaa waxaa sidoo kale ku dhacay dhowr biriq oo kale, hasa ahaatee wax khasaare ah lagama soo werin.

Qeybo ka mid ah Soomaaliya ayaa waxaa iminka ka da’aya roobabka gu’ga, kuwaasi oo khasaare nafeed sababay, waxaana meelaha roobabkan ay dhimashada ka sababeen ka mid ah magaalada Qardho, oo 7 qof ay ku dhinteen daadad ka dhashay roobabka.

XS
SM
MD
LG