Isku xirrada

War Deg-Deg ah

9 qof oo ku dhintay Martiini iyo kiisaska COVID-19 ee Somalia oo kordhay


Martiini Hospital
Martiini Hospital

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in sagaal qof ay xalay ku dhinteen cisbitaalka lagu daweeyo xanuunka COVID-19 ee Martiini.

Wasaaradda ayaa sheegtay in mid ka mid ah sagaalka qof laga helay COVID-19, midna laga waayey, halka 7 kale weli natiijadooda weli la sugayey.

Dawladdu waxay dhinaca kale sheegtay in kiisaska cusub ee COVID-19 ee la helay ay yihiin 44, taasi oo tirada guud ka dhigaysa 480.

Tirada dhimashada ayaa ee 24-kii saac ee u dambeeyey ayaa ah 3, taasi oo dhimashada guud ka dhigaysa 26. Dadka bogsooday ayaa ah 14.

Bishii Maarso 16-keedii ayaa Soomaaliya lagaga dhiwaaqay kiiskii u horreeyey ee COVID-19.

XS
SM
MD
LG