Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta Xalane


Qarax
Qarax

Weerar la aaminsan yahay in loo adeegsaday hoobiyeyaal ayaa lagu soo warramayaa caawa in mar kale lala beegsaday nawaaxiga saldhigga Xalane ee magaalada Muqdishu.

Goobjoogayaal ku sugan xerada ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa qaraxyo la aaminsanyahay inay yihiin hoobiyayaal.

Ilaa hadda waxaan la ogeyn haddii uu jiro khasaaro ka dhashay weerarkan.

Waa markii labaad ee muddo 24 saac gudahood ah ee hoobiyeyaal lala beegsado xerada Xalane. Xalane ayaa waxa ay saldhig u tahay ciidamada AMISOM, hay'adaha QM ee Soomaaliya ka howlgala, iyo safaarado dhowr ah.

Al-Shabaab ayaa inta badan sheegata mas’uuliyadda hoobiyayaasha.

XS
SM
MD
LG