Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya: Tirada kiisaska COVID-19 oo gaartay 390


Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay korodhay tirada dadka laga hekay cudurka Covid19 kadib markii 62 kiis oo cusub la diiwaangeliyey. Kiisaska cusub ayaa ka dhigaya tirada guud ee xaaladaha COVID-19 iney haatan tahay 390 kiis, sida ay ku warameyso wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Wariyaha VOA, Xassan Kaafi Qoyste ayaa soo sheegaya in sidoo kale ay korodhay tirada dadka u geeriyooday Coronavirus gudaha Soomaaliya ka dib markii la xaqiijiyey laba qof oo cudurkan u dhintay.

Tirada kiisaska COVID-19 oo korodhay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:38 0:00

Dhinaca kale, waxaa maamul goboleedka Koonfur Galbeed ka socota wacyigelin ku saabsan ka hortagga cudurka Covid19. Warbixin arrintan ku saabsan waxaa noo soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Wacyi-gelinta COVID-19 ee Baydhabo
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:14 0:00


XS
SM
MD
LG