Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey oo muwaadiniintiisa ka daadgureeyey Soomaaliya


Dowladda Turkiga yaa xalay magaalada Muqdisho kala baxday muwaadiniinteeda ka shaqeynayay Soomaaliya, sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

War kasoo baxay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iyadoo la raacayo feejignaanta uu qaatay madaxweyne Erdogan ee ka hortaga cudurka Covid-19, si ku meel gaar ah looga saaray muwaadiniinta Turkiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, dibna loogu celiyay dalkooda hooyo.

Warka ka soo baxay safaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay, guryo soo celinta muwaadiniinta Turkiga ee ku nool dibadda.

Diyaarad gaar ah oo ay leedahay shirkadda Turkish Airlines ayaa xalay ka qaadday magaalada Muqdisho muwaadiniinta Turkiga ee Xamar laga daad-gureeyay kuwaasoo gaarayay ilaa iyo 101.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG