Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ma dhab baa in Covid-19 uusan kusoo laaban qof uu hal mar ku dhacay?


Shaqaalo caafimaad oo xiran qalabka looga hortago Caronavirus
Shaqaalo caafimaad oo xiran qalabka looga hortago Caronavirus

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay iney jirin caddeyn muujineysa in dadka qaaday COVID-19 ay leeyihiin unugyada ka hortaga cudurka ee ka ilaalinaya in qofkaasi uu markale soo rito coronavirus.

Warbixin ay soo saartay Jimcihii ayay WHO waxa ay uga digtay dowladaha qaar ee soo jeediyay iney u sameynayaan shahaadooyinka khatar la’aan ah dadka ka soo kabay COVID-19, taasi oo u ogolaaneysa iney shaqooyinkooda dib ugu noqdaan ama ay safari geli karaan iyagoo aaminsan inuusan cudurka COVID-19 markale ku dhici karin.

“Isticmaalka shahaadooyinka ceynka ah waxa ay kor u qaadeysa khatarta ah iney is qaadsiinta cudurkan ay sii socoto” ayaa lagu yiri bayaanka WHO.

Arrintaan ayaa meesha ka saareysa, fikirka ahaa in Covid 19 uusan kusoo laaban qof uu hal mar kusoo dhacay. Covid 19 ayaa fara ba'an wali ku haya aduunyada. Halka hadda ugu daran ayaa ah dalka Mareykanka.

XS
SM
MD
LG