BAYDHABA —
Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta anisixiyay in hal sano oo dheeraad ah lagu daray muddada uu xilka haynayo madaxweynaha maamulka Cabdicasiis Xasan Laftagareen.
Muddo kordhintan ayaa la meel-mariyey kaddib markii ay xildhibaanada ansixiyeen mooshin la isku waafajiyay muddo xilleedka xildhibaanada iyo muddo xilleeedka madaxweynaha.
Warbixntan waxaa Baydhaba ka soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.