Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Malaysia oo COVID-19 'ka dhigatay qiil ay ku diido' qaxootiga Rohingya


Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyey dalka Malaysia iney dagaalka ay kula jirto COVID-19 u adeegsaneyso qiil ay ku diiddo qaxootiga Muslimiinta ah ee Rohingya ee ka soo qaxay dalka Myanmar.

Militeriga Malaysia ayaa xaqiijiyey in ay Jimcihii dib u celiyeen doon ay ka buuxeen qaxooti reer Rohingya inkastoo hay’adda Amnesty International ay sheegtay iney heshay warar sheegaya in doomo dhowr ah ay ku wajahan yihiin dalalka Malaysia iyo Thailand.

Clare Algar, oo ka tirsan Amnesty International ayaa sheegtay in dagaalka lagula jiro COVID-19 "uusan ahayn qiil ay dowladaha gobolku ugu ogolaadaan in badahoodu ay noqdaan xabaalo qaxootiga Rohingya ee xaaladda quusta ah ku jira."

Kuala Lampur ayaa sheegtay in ay fulineysay amarada ay dhaqdhaqaaqyada dadka ku xakameyneyso, taasi oo qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah COVID-19.

Cudurka COVID-19 ayaa ka dhigay qaxootiga dunida kuwa aad u nugul.

Dalka Greece, kooxaha qaxootiga u ololeeya ayaa ka codsaday dowladdu iney badbaadiso qaxootiga ku jira xeryaha jasiiradda Lesbos, oo ay ku hayaan tiro 7 jeer ka badan cadadka xeryahaas loo ogol yahay.

Dowladda Guatemala, ayaa iyana joojisay iney aqbasho diyaaradaha sida dadka ay Mareykanku masaafuriyaan, ka dib markii daraasiin qaxooti dib loogu celiyey bartamaha America laga helay Coronavirus.

XS
SM
MD
LG