Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba qof oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay Awdheegle


Ciidamo dowladda oo ku sugan Awdheegle
Ciidamo dowladda oo ku sugan Awdheegle

Wararka ka imanaya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in hal qof oo rayid ah iyo askari ka tirsan ciidamada dowladdu ay ku dhinteen qaraxyo maanta halkaasi ka dhacay.

Qaraxyadan oo laba ahaa ayaa la sheegay in lala eegtay meel makhaayad ah oo ay ciidamadu fadhiistaan.

Degmada Awdheegle waxay ka mid tahay deeggaano ay dhawaan ciidamdada dowladda Soomaaliya ay ka qabsadeen maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana haatan fadhiisin ay u tahay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Ma jirto cid weli sheegatay mas'uuliyadda labadan qarax, inkasta oo horey qaraxyo deegaanka uga dhacay ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG