Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo Furtay Barnaamij la magac baxay Baxnaano


Barnaamijka Baxnaano
Barnaamijka Baxnaano

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka bilowdaby barnaamij ay ugu magic-dartay ‘Baxnaano’ oo u jeedkiisu yahay in taakuleyn dhaqaale lagu siiyo qoysaska danyarta ah.

War kasoo baxay xafiiska madaxtooyada ayaa lagu sheegay, in barnaamijkaan oo uu maanta daah-furay madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdulahi Farmajo, ay wajigiisa koowaad ka faa’iideysan doonaan dad gaaraya 1 milya iyo 3 boqol oo kun oo qof oo ku nool gudaha Soomaaliya.

Dadka danyarta ah ee ka faa’iideysanayo ayaa waxaa ku jira dadka beeralayda ah ee dalaggoodii uu galaaftay Ayaxii ku habsaday qaar ka mid ah deegaannada ay ka soo go’aan dalagyada dalka dhammaadkii sanadkii tagay 2019-kii.

Barnaamijkaan oo ay hirgelintiisu leedahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshda ayay dowladdu sheegtay, in laga fulin doono ilaa iyo 21 degmo oo ku yaalla Soomaaliya. Kharashka ku baxayo ayay dowladda ku sheegtay ilaa iyo 4 Malyan oo doolar bishiiba.

XS
SM
MD
LG