Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safiirka Turkey ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz oo wareysi siiyey VOA


Mehmet Yilmaz
Mehmet Yilmaz

Turkiga ayaa tan iyo sannadki 2011-ki Soomaliya ka fulinayay mashaariic horumarineed oo u badan dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka, kaalmooyinka xagga bani’aadannimada, waxbarashada, tababarrada ciidanka qalabka sida, miisaaniyadda dowladda iyo arrimo kale.

Sidoo kale, magaalada Muqdisho waxaa ku taalla safaaradda ugu weyn ee uu Turkiga ku leeyahay dal dibadda ah.

Haddaba wariyaha VOA-da Nuur Xassan Nuur, ayaa wareysi dheer la yeeshay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yılmaz oo ka hadlaya arrimo ay ka mid yihiin tababarrada ay siiyaan ciidanka qalabka sida ee Soomaaaliya, shaqada saldhiga milatari ee ay Muqdisho ku leeyihin iyo khasaarihi kasoo gaaray weeraradi Shabaab ku beegsatay mashruuca dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye.

Waxa uu sidoo kale ka hadlayaa hadalki madaxweyne Erdogan kasoo yeeray bishii Janayo ee sanadkaan ee ahaa in Dowlada Soomaaliya ay ka dalbatay Turkiga in ay batrool ka baarto Soomaaliya.

Wareysiga oo ka kooban afar qeyb ayaa waxaa Nuur lasoo jeedinaya Maxamed Bashir Cabdiraxman. Su’aasha ugu horreysa ee Nuur weydiiyay danjire Yılmaz ay ah goorta uu soo billowday xiriirka labada wadan?

Qeybta koowaad ee wareysiga Mehmet Yılmaz
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:58 0:00
Qeybta labaad ee wareysiga Mehmet Yılmaz
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:40 0:00
Qeybta saddexaad ee wareysiga Mehmet Yılmaz
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:53 0:00
Qeybta afraad ee wareysiga Mehmet Yılmaz
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:36 0:00



XS
SM
MD
LG