Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beelihi ku dagaallamay Wanlaweyn oo la heshiisiiyay


Guddigii soo xalliyay khilaafkii Wanlaweyn
Guddigii soo xalliyay khilaafkii Wanlaweyn

Guddi heer qaran ah oo maalmahaan ku mashquulsanaa, daminta dagaal sokeeye oo laba beelood ku dhexmaray degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegay in heshiis nabadeed kala dhex-dhigeen dhinacyadi dirirta u dhaxeysay.

Guddigaan oo isugu jiray, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya, Xafiiska Xeer İlaalinta ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya, xubno ka socday Hey’adda Danbi Baarista Soomaalia, wasiirro ka socday maamul goboleedka Koofur Galbeed iyo guddoonka Sare ee maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in ay ku guuleysteen nabad dib u soo celinta xasilloonida magaalada Wanlaweyn, kaddib tallaabooyin muhiim ah oo ay qaadeen tan iyo todobadi bishaan April, marki ay bilaabeen howlaha nabadeynta degmada.

Waxay sheegeen in tallaabadi ugu horreysay ee ay qaadeen ay aheyd, dhageysiga dacwadaha labada beel ee dirirta dhaxematay, kaddibna labada dhinac kala dhax-dhigay xabbad joojin ay marqaati ka aheyd Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in guddiga ay xaqiijiyeen, dhimashada 24 qof oo lagu dilay dagaalka sokeeye ee ka dhacay Wanlaweyn. 9 ka mid ah ayaa ku dhintay dagaal toos ah, halka 15 kale ay labada dhinac isaga dileen qaab aar-goosi ah. Guddiga ayaa xaqiijiyay in dadka aar-goosiga u dhintay loo dilay si arxan-darro ah.

Waxay kaloo sheegeen in xadgudubyo ka dhan ah aadanaha ay ka dhaxeen gudaha Wanlaweyn, kuwaasoo ay ka mid yihiin kufsi, dhac hanti, iyo barakicin. Sidoo kale jidgooyooyin sharci darro ah ayay maleeshiyaadka dagaalamay dhigteen gudaha magaalada. Balse uu guddiga ku guuleystay inuu qaado.

Warbixinta kasoo baxday guddigan ayaa eedeysay in dagaalka sokeeyey ee Wanlaweyn ay hurinayeen, xildhibaano iyo mas’uulyiin ka tirsan maamul goboleedyada Hir-shabeelle iyo Koofur-galbeed. Sidoo kale waxaa eed loo jeediyay, maamulka magaalada Wanlaweyn, oo isna uu guddigu sheegay inuu door ka ciyaaray colaadda degmada, isla markaana uu ku fashilmay inuu guto waajibki ka saarnaa joojinta colaadda.

Guddigan ayaa ugu danbeyntii sheegay in lasoo kaxeeyay guddoomiyihii degmada Wanlaweyn, Max’ed Siidow C/raxmaan, si ciidanka booliska Soomaaliya ay u baaraan, doorka uu ku lahaa gabood-falki ka dhacay Wanlaweyn.

Waxaa kale oo uu guddiga soo jeediyay, hey’adaha danbi barista Soomaaliya ay furaan gal-dacwadeed ciqaab ah oo lid ku ah xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan maamullada Hir-shabeelle iyo Koofur-galbeed, kuwaasoo uu guddigu sheegay in looga shakisanyahay in ay huriyeen dagaalki sokeeye ee ka dhacay Wanlaweyn.

Mas’uuliyiintaasi ayaa waxaa ka mid ah, xildhibaan Aadan cabdi Faarax (Kaladire) oo ka tirsan xildhibaanada Barlamaanka Maamulka Hir-shabeele, xildhibaan Mayoow Mustaf Xasan oo ka tirsan xildhibaanada Barlamaanka Maamulka Konfur Galbeed, Ex-Xildhibaan Maxamed Taraafiko oo ka tirsanaa xildhibaanada Barlamaanka Maamulka Konfur Galbeed.

Waxaa kale oo uu guddigu soo jeediyay in maxkamadda ciidanka qalabka sida la hor-keeno, Gaashaanle X.Salaad Tifow oo ah abaanduuliha guutada 7aad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, si su’aalo looga waydiiyo qeybtii uu ku lahaa gabood faladii ka dhacay Degmada W/wayn. Sidoo kale waxaa la amray in lasoo xiro, Cabdi Nuunoow Afwayne oo horjooge ka ahaa maleeshiyaadkii ku dagaalamay Degmada wanlawayn.

Tallaabada guddiga xalliyay colaadda Wanlaweyn ayaa ka danbeysay, kaddib marki uu madaweynaha Dowladda Soomaaliya dhawaan ku baaqay in si deg deg ah loo soo af-jaro dagaalka sokeeye ee ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.


XS
SM
MD
LG