Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Axmed Ismaaciil Xuseen Xudeydi oo ku geeriyooday London


Alle ha naxariistii waxaa magaalada London ku geeriyooday Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi) oo ahaa rug caddaa dhinaca fanka iyo muusigga ah.

Xudeydi oo dhashay 15-kii April ee sanadkii 1928, ayaa la sheegay inuu u geeriyooday cudurka Coronavirus.

Axmed Ismaaciil (Xudeydi) ayaa lagu naaneysi jiray Boqorkii Cuudka. Sida uu ku sheegay wareysi uu ku baxay barnaamijka Qubanaha VOA ee sanadkii 2017kii, waxa uu garaacidda cuudka bilaabay isaga oo 18 jir ah.

Xudeydi oo ku barbaaray dalka Yemen ayaa magaalada London ku geeriyooday isaga oo ay da’diisu tahay 92 sano.

Wariyaha VOA ee Muqdisho Seynab Abuukar ayaa la hadashay qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed, warbixintan ayeyna halkaasi ka soo dirtay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:36 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG