Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AFRICOM oo duqeyn cusub ku dishay shan Al-Shabaab ah


Shabaab
Shabaab

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn cusub oo 6-dii April laga fuliyey magaalada Jilib lala beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay shan ka mid ah argagixisada Al-Shabaab.

“Innaga oo caawineyna saaxiibadeena Bariga Africa, waxaan yareeneynaa halis dhab oo ah ay wajahayaan Soomaaliya iyo sidoo kale dhulka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri Col. Christopher Karns oo ah agaasimaha xiriirka dadweynaha ee Africom.

“Dadaaladeenna waxay gacan ka gaystaan bad-baadinta Soomaalida, Mareykanka iyo saxiibadeena caalamka. Mas’uuliyaddan si dhab ah ayaan u qaadanaa, waana sii wadi doonnaa inaan cadaadis saarno cadowga,” ayuu yiri.

AFRICOM waxay sheegtay inay qiimeeyeen inaan duqeyntaas lagu dilin ama lagu dhaawicin dad shacab ah.

AFRICOM ayaa intaas ku dartay inay ka war-hayso warbixino tuhmayo in shacab ay wax ku noqdeen duqeyntii 6-dii April ka dhacday Jilib.

“Si la mid ah eedeyn kasta oo ku saabsan shacab waxyeelo la gaarsiiyey, AFRICOM waxay heshaa oo ay dib u eegtaa warbixin kasta oo ku saabsan dhacdada, oo ay ku jiraan akhbaaraadka la xiriira ee laga helo dhinacyada saddexaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

XS
SM
MD
LG