Howlgalka Ciidanka Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa Sabtidii shaaciyay in iyagoo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay duqeyn dhinaca cirka ah Jimcihii ku bartilmameedsadeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Bayaan Sabtidii shalay kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka oo 3-dii bishan April ka dhacay agagaarka tuulada Bush Madina ee gobolka Baay lagu dilay 5 argagixiso, iyadoo aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayidka ah.
Bayaanka AFRICOM ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay Dowladda Soomaaliya kala shaqeyneyso sidii loo horumarin lahaa xaaladaha amni ee dalka iyo dadkaba, iyo sidoo kale, sare u qaadidda koboca dhaqaalaha iyo horumarinta.
Dhanka kalana, guddiga caalamiga ah ee Laanqeerta-Cas ayaa Sabtidii ka digay in Somalia ay hadda taagantahay jar halis ah, kaddib markii uu cudurka Coronavirus billaabay inuu faafo, xilli dalku uu la halgamayo colaado sokeeye, barakac iyo abaaro.