Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kadib eedeyntii Amnesty, maxaa la gudboon dowladda Somalia?


Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bishii Febraayo dilay laba qof oo shacab ah islamarkaana dhaawacay saddex kale, waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

AFRICOM ayaa bayaan ay soo saratay ku sheegtay in ay xaqiijiso in duqeymaheeda aysan wax ku noqon shacabka.

“Kadib duqeyn kasta, AFRICOM waxay fulisaa taxliilin dheeeri ah si loo xaqiijiyo in lagu guuleystay hadafyada militari ee laga lahaa, mana jirin wax khasaare shacab ah,” ayey AFRICOM u sheegtay Reuters, ayada oo ka jawaabeysa eedeynta Amnesty.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku taageertay howl-gallada AFRICOM, kuna difaacday, ayada oo sheegtay in la xaqiijiyo mar walba in shacabka aan lagu dhibaateyn.

Hadaba eedeymahan maxey ka dhigan yihiin, maxaase la gudboon dowladda Soomaaliya? Su’aalahan iyo kuwo kale ayuu Maxamed Colaad Xasan weydiiyay Xasan Shire Sheekh, oo ah Madaxa hey’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee Bariga Africa.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:20 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG