Doorasho maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay ayaa lagu doortay guddoonka cusub ee baarlamaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xilka gudoomiyha baarlamaanka waxaa ayaa loo doortay danjirihii Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi, oo uu la tartamay Maxamed Cadbdiraxiim Fiqi.
Xildhibaanada soo xaadiray kulanka doorashada ayaa waxay ahaayeen 93 mudane. 83 cod waxaa helay Danjire Cali Siciid Faqi, halka Maxamed Cabbdiraxiin uu helay 2 Cod.
Mukhtaar Maxamed Catosh ayaa soo diray warbixintan.