Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidanka Kenya iyo maleeshiyo Itoobiyaan ah oo isku rasaaseeyey Mooyaale


Moyale
Moyale

Wararka ka imanaya magaalada Mooyaale ayaa sheegaya inay rasaas is weydaarsadeen ciidamada Kenya iyo maleeshiyaad Itoobiyaan ah oo ku sugan magaalada Mooyaale.

Rasaastan ayaa ka dambaysay markii sida la sheegay ciidamada Kenya ay keeneen baldoosarro lagu qodayo dhulka kadib markii dawladda Kenya ay amartay in la xiro xuduudda si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.

Ilaa hadda ma cadda in dad ay wax ku noqdeen rasaasta ay isweydaarsadeen labada dhinac.

Wargayska Daily Nation ee dalka Kenya ayaa qoray in dablay reer Itoobiya ah oo ka xanaaqsan xiritaanka xuduudda ay rasaasta ku rideen qandaraaslayaal.

Qof ku sugan magaalada Mooyaale waxa uu VOA u sheegay in labada dhinac ee is rasaasaynayey ay ku labbisnaayeen dharka ciidanka.

XS
SM
MD
LG