Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amnesty: Mareykanka shacab ayey ku dileen Soomaaliya


Mohamed Omar Abukar oo sheegay in hooyadiis oo 70 jir ah lagu dhaawacay duqeyn ay fuliyeen Mareykanka. Sawirka waxaa la qaaday March 31, 2020. REUTERS/Feisal Omar
Mohamed Omar Abukar oo sheegay in hooyadiis oo 70 jir ah lagu dhaawacay duqeyn ay fuliyeen Mareykanka. Sawirka waxaa la qaaday March 31, 2020. REUTERS/Feisal Omar

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bishii Febraayo dilay laba qof oo shacab ah islamarkaana dhaawacay saddex kale, waxaa sidaas bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Duqeyn labadii Febraayo ka dhacday magaalada Jilib ayaa lala beegsaday qoys cunteynayey, sida ay sheegtay Amnesty, waxaana halkaas lagu dilay Nuurto Kuusow Cumar Abuukar oo ahayd 18 jir, laguna dhaawacay laba gabdhood oo walaalaheed ka yar ah, oo da’deedu tahay 7 iyo 12 jir, iyo ayeydood oo 70 jir ah. Amnesty ayaa dhacdadadn kasoo xigatay aabaha Nuurto, oo goobjoog u ahaa weerarka, balse aan lagu dhaawaciin.

Maxamed Cumar Abuukar, oo ah wiil ay dhashay haweeneyda 70 jirka ah ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in qoyskiisa ay burburisay duqeynta.

Duqeyn kale oo 24-kii Febraayo ka dhacday xaafadda Kumbarere, oo 10 km waqooyi ka xigta magaalada Jilib, ayaa lagu dilay Maxamuud Salaad Maxamuud, oo ahaa aabe 53 jir ah oo lahaa sideed caruur, islamarkaana deegaanka haystay beer, mas’uulna ka ahaa xafiiska shirkadda isgaarsiinta Hormuud, sida ay sheegtay Amnesty. Hormuud ayaa xaqiijisay dhimashada Maxamuud.

AFRICOM ayaa bayaan ay soo saratay kadib labada duqeyn waxay ku sheegtay in lagu dilay mintidiin.

“Kadib duqeyn kasta, AFRICOM waxay fulisaa taxliilin dheeeri ah si loo xaqiijiyo in lagu guuleystay hadafyada militari ee laga lahaa, mana jirin wax khasaare shacab ah,” ayey AFRICOM u sheegtay Reuters, ayada oo ka jawaabeysa eedeynta Amnesty.

“Taxliilinteena qotada dheer ee duqeymaha kadib waxay isku haleysaa hab sirdoon, oo aysan heli karin ururada Amnesty oo kale ah…qiimeynta taliska ee khasaaraha shacabka waa mid sax ah, oo buuxda islamarkaana ay hogaamiyaan koox khubaro ah,” ayuu yiri taliska AFRICOM.

Cabdullaahi Xasan oo ah cilmi-baare ka tirsan Amnesty ayaa ka dalbaday AFRICOM inay tahay inay aad u cadeeyaan habka ay u baaraan eedeymaha ku saabsan khasaraaha ka dhanka ah shacabka.

“Waxay u muuqataa inay ku nool yihiin been ah in duqeymahooda xaqiiqdii ay dilaan dad shacab ah,” ayuu yiri.

Sanadii tegtay, Amnesty ayaa soo saartay warbixin tuhmeysa in shan duqeyn oo Mareykanka ay ka fuliyeen Soomaaliya 2017 iyo 2018 lagu dilay 14 qof oo shacab ah. AFRICOM ayaa diiday warbixintaas, hase yeeshee waxay goor dambe qiratay in laba qof lagu dilay duqeyn dhacday 2018.

REUTERS

XS
SM
MD
LG