Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal beeleed dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Kismaayo


Kismaayo
Kismaayo

Ugu yaraan 14 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa geeriyootay ilaa sadex kalena way dhaawacmeen kadib dagaal beeleed shalay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalladan oo soo noqnoqonayey saddexdii sano ee tegay ayaa ka dhacay deegaanada Fuuma, Kooyaamo iyo Jiiroole oo qiyaastii 30 ilaa 50 km dhanka galbeedka uga beegan magaalada Kismaayo.

Dagaal beeleedkaan ayaa ahaa mid kusoo noqnoqday deegaanadaasi, waxaana sida la sheegayo uu ku qotomaa lahaanshaha dhul deegaanka ku yaalla, oo labada beeloodba ay sheeganayaan.

Maamulka Jubaland ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo dagaalkan, balse sheegay inay wadaan dadaallo lagu xallinayo dagaaladan.


Odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah xildhibaanada ku jira baarlamanka Soomaaliya ayaa ku baaqaya in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

Warbixintan waxaa Nairobi kasoo diray Khadar Maxamuud Xareed.

Dagaal beeleed dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Kismaayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:22 0:00


XS
SM
MD
LG