Dawladda Soomaaliya ayaa amartay in laga bilaabo maanta la hakiyey duulimaadyadii diyaaradaha ee gudaha dalka. Dawladdu ma sheegin xilliga dib loo fasixi doono duulimaadyada isku xira magaalooyinka dalka.
Sidoo kale, waxa ay dawladdu sheegtay in joojinta duulimaadyadii caalamiga ahaa ay sii socon doonto ilaa amar dambe.
Haddaba, arrimahan iyo saameynta shirkada diyaaradaha ee duulimaadyadan la joojiyay ayaa wariyahayaga Muqdishu Xasan Kaafi Qoyste uu ka waraystay Maxamed Abuukar Maxamed oo ah Guddoomiye ku xigeenka Midowga Duulimaadyada.
Facebook Forum