Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya: Dadaallada ka Hortagga Coronavirus


Dadaallo lagu doonayo in lagu xakameeyo in cudurka coronavirus uu ku faafo Soomaaliya ayaa ka soconaya gudaha Soomaaliya. Ciidamada AMISOM ayaa maanta xiray muddo 30 cisho ah gabi ahaanba dhaqdhaqaaqyadii xarunta Xalane oo ay deganaayeen dublumaasiyiin reer galbeed ah iyo hay'ado caalami ah.

Soomaaliya ayaa illaa iyo haatan xaqiijisay saddex kiis oo coronavirus oo midkood la sheegay inuu yahay qof ajnabi ah.

Haddaba wararkii ugu danbeeyey ee dadaallada socda ayaa Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan waxa ka wareystay Dr. Maxamed Maxamuud Fuji oo xubin ka ah Guddiga Qaran ee la dagaalanka Coronvirus ahna Gudoomiyaha Guddi ay Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed u xilsaareen ka hortagga Coronavirus.

Wareysi Dr. Maxamed Maxamuud Fuji
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:48 0:00


XS
SM
MD
LG