Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo ka Digaya Khatarta Coronavirus


Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ayaa bulshada Soomaalida ah ugu baaqay ineysan fududaysan xanuunka safmarka ah ee Coronavirus islamarkaana ay raacaan hageyaasha iyo farriimaha dhanka caafimaadka ee looga hortagoyo xanuunka.

Arrintan ayaa ka dambysay ka dib markii ay maalmihii la soo dhaafay soo baxaysay warar sheegaya in bulshada Soomaalidu gaar ahaanna kuwa ku nool qaaradda Africa ay dhayalsadaan xanuunka oo ay wali iska wataan nolashoodii caadiga ahayd.

Sidoo kale, waxaa magaalada Nairobi ku xayiran Soomaali badan oo u safri lahaa dalka dibadiisa kuwaasi oo uu saameeyay go'aankii ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa.

Wariyaha VOA, Khadar Maxamuud Xareed, ayaa warbixintan noo soo diray.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:33 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG