Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkaal maanta lagu dilay Boosaaso


Boosaaso

Rag hubeysan ayaa saakay gudaha magaalada Boosaaso ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaalada canshuuraha ee maamulka gobolka Bari ee Soomaaliya.

Goob-jogayaal ayaa VOA-da u sheegay, in ALLA ha u naxariistee Caynab Maxamed Dunge ay dabley hubeysani rasaas ku furtay isaga oo fadhiya maqaayad shaaha laga cabo oo ku taalla afaafka hore ee koontaroolka laga soo galo magaalada Boosaaso.

Ragi dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday. Waxana falkani uu yimid 12 maalin kadib marki koox hubeysan ay magaalada Boosaaso ku dileen Suleemaan Axmed Shire oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliaydda Puntland.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid loo qabtay dilalkaasi qorsheysan eel ala eegtay ciidamada iyo shaqaalaha ka howlgala waaxda maaliyadda ee Puntland.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG