Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda caafimaad ee Nuur Cadde oo deggan


Nuur Cadde
Nuur Cadde

Xaaladda caafimaad ee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), oo isaga iyo wiilkiisaba uu haleelay cudurka Coronavirus, ayaa hadda deggan.

Nuur Cadde ayaa ka mid noqday dad dhowr ah oo Soomaali ah oo uu Coronavirus ku haleelay magaalada London.

Dhinaca kale, qofkii 4-aad oo Soomaali ah ayaa xalay magaaladaas ugu geeriyooday cudurkan. Xubno ka tirsan qoyska marxuumka geeriyooday ayaa iyagana laga helay xanuunka.

Jacfar Kukay ayaa arrimahaasi iyo guud ahaan saameynta uu fayruskaasi ku yeeshay UK ka wareystay Maxamed Maxamuud Dhoorre oo ah weriye deggan London.

Xaaladda caafimaad ee Nuur Cadde oo deggan
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:52 0:00


XS
SM
MD
LG