Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka dhacay xerada ciidamada ee Daynuunay


Shabaab
Shabaab

Waraka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in iska hor-imaad hubaysan uu ka dhacay waabarigii saaka xerada Daynuunay oo 18 KM dhanka bari ka xigta magaalada Baydhabo.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyey kooxda Al-Shabaab oo soo weeraray xerada ciidan ee Daynuunay iyo ciidanka dowladda Soomaaliya.

Inta la ogyahay ciidanka dowladda waxaa dagaalka uga geeriyooday hal askari, iyadoo in ka badan 5 askari oo kale ay ka dhaawacmeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankooda khasaaro uu kasoo gaaray dagaalka hase yeeshee lama oga inta uu la egyahay.

Ciidamo gurmad ah ayaa gaaray xerada Daynuunay, waxaana hadda dagan xaalada deegaanaka Daynuunay oo uu dagaalka ka dhacay saaka.

XS
SM
MD
LG