Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidanka Danab 'oo qabtay' sarkaal sare oo Shabaab ah


Ciidamada dowladda oo ku sugan Janaale
Ciidamada dowladda oo ku sugan Janaale

Sida lagu xusay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Soomaaliya, ciidamo kuwa dhulka ah oo ka tirsan guutada Danab ayaa hawlgal ay 23-kii bishan March ka fuliyeen Wanlaweyn ku soo qabtay xubin sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay hawlgalkan oo xili habeenimo ah dhacay inuu guul u yahay dawlada faderaalka ah, maamul goboleedyada iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Ninka la qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim Maxxamed Rooble, oo sida warkan lagu xusay Al-Shabaab u qabilsanaa dhanka cashuur uruurinta, islamarkaana ka mid ahaa Amniyaad-ka Al-Shabaab ee gobolka.

Waxaa sidoo kale war saxaafadeedkan lagu xusay in qabashada ninkani ay timi dhawr maalmood uun kadib markii ciidamada Soomaaliya ay shaaciyeen inay qabteen xubin madax ka ahaa sirdoonka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Xasan Suley, kaasi oo lagu qabtay hawgal ka dhacay Janaale.

XS
SM
MD
LG