Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasaaradda caafimaadka oo farriin u dirtay dadka dalka soo galaya


Somalia Coat of Arms
Somalia Coat of Arms

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Buishada ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay kusoo jeedisay tallaabooyin ay ku baaqeyso inay qaadaan dadka soo galaya xuduudaha Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa looga dan leeyahay in lagu xakameeyo xanuunka Coronavirus (COVID-19) ee sida xoogan ugu faafay caalamka, islamarkaana uusan ugu gudbin xubnaha qoyskooda iyo guud ahaan bulshada.

Wasaaradda ayaa dadka soo galay Soomaaliya amartay in marka ay maraan baaritaannadda Caafimaadka ee ka jira meelaha ama goobaha wadanka laga soo galo ee xaduudda ku yaalla.

Waxay sidoo kale dadka fartay inay joogaan guryahooda kana fogaadaan tagida goobaha dadka ku badan yihiin sida suuqyada i.w.m. mudo afar iyo toban beri ah.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in dadka yimaada dalka ay “si joogto ah ugu faraxashaan biyo iyo saabuun ama ay isticmaalaan jeermis dile, islamakraana ku daboolaan afka iyo sanka tiish/mandiil ama cududa iyagoo xusulka laaabaya marka ay qufacayaan ama hindhisayaan.”

“Waa inay ka taxadaraan nadaafada suuliga iyo agabka kale oo ay qoysku wada isticmaalaan.”

Ugu dambeyn waxaa dadka loogu baaqay inay hadii ay isku arkaan calaamadaha ay ka midka yihiin qandhada, qufaca iyo neef-qabashada ay wacaan 449 si loo caawiyo.

XS
SM
MD
LG