Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Dhex-dhexaad ayaan ka nahay xiisadda Masar iyo Itoobiya


Axmed Cise Cawad
Axmed Cise Cawad

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in mawqif dhexdhexaad ah ay ka qaadatay muranka u dhexeeya Masar iyo Ethiopia ee ka dhashay biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile.

Wakalaadda Wararka Soomaaliya (Sonna) ayaa ka soo xigatay wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe, in Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay arrintan.

Waxaa xusid mudan in war-saxaafadeed ka soo baxay ergada Soomaaliya u joogta Xaruunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira oo daba socday kulan bishan afarteediii ay Wasiirada dalalka Jaamacadda Carubtu Qaahira ku yeesheen lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku baaqayso in labada dal ay wada-hadal ku xaliyaan khilaafkooda, iyada oo dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay door ka ciyaarto sidii la isugu soo dhawayn lahaa labada dhinac.

Laakin war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qasbantahay in ay ka gaabsato inay taageerto qabyo qoraalka Qaraarka dalalka Jaamacadda Carabta, inkasta oo sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ay dowladda Soomaaliya ay qirsantahay xaqa ay dowladda Masar u leedahay ilaalinta ammaanka biyaheeda.

XS
SM
MD
LG