Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maamulka Sool oo ka hadlay dilka taliyihii sirdoonka gobolka


Sool
Sool

Taliyihii Ciidammada sirdoonka gobolka Sool ee Somaliland, Cabdiqani Guhaad Xasan ayaa xalay lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolk Sool.

Waa dilkii labaad oo mas’uuliyiin sare loogu geysto magaalada Laascaanood muddo bil gudaheed ah, ayada oo sidoo kale dhowaan magaalada loogu dilay guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud oo ku geeriyooday qarax gaadhigiisa loogu xiray.

Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Sool Saleebaan Diiriye Cabdi oo wareysi siiyey VOA ayaa faah-faahin ka bixiyey dilka taliyihii ciidammada sirdoonka gobolka Sool.

Weriyaha VOA ee Laascaanood Cabdikariim Olol ayaa wareystay.

Maamulka Sool oo ka hadlay dilka taliyihii sirdoonka gobolka
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:28 0:00


XS
SM
MD
LG