Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaano codsaday in la joojiyo Qaadka la keeno Soomaaliya


khat

Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dowladda ka codsaday in si ku-meel gaar ah loo joojiyey khaadka ka imanaya dalka Kenya.

Xubnahan oo uu hogaaminayey guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad ayaa sheegay in maadaama khaadka lagu soo guro gacmaha ay horseedi karto faafitaanka cudurka Coronavirus oo laga helay dalka Kenya.

Hadalkooda ayaa imanaya ayada oo dowladda Soomaaliya ay maanta xaqiijisay in qof Soomaali ah markii ugu horraysay laga helay cudurka CoronaVirus, kaasi oo Muqdisho uga yimid dal kale.

Xuseen Barre Aadan ayaa arrintan ka wareystay weriyaha VOA ee Muqdisho Xasan Kaafi Qoyste.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:59 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG