Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo sarkaal sare iyo askar kale ku dilay Mahadaay


Shabaab

Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii sarkaal ciidan iyo laba ilaaladiisa ka mid ah ku dilay weerar gaadmo oo ay ku qaadeen degmada Mahadey ee Gobalka Shabellaha Dhexe, sida uu VOA u xaqiijiyay gudoomiyaha degmadasi.

Gudoomiye Axmed Xuseen ayaa sheegay in saldhiga la weeraray oo ku yaallo bartamaha Mahadey.

Waxa uu sidoo kale sheegay in weerarka lagu dhaawacay laba askri, kadib israsaaseyn in mudo ah socotay.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha internet-ka kooxda Al-Shabaab, ayey ku sheegatay in ay la wareegtay xarumaha ciidanka HirShabelle ee degmada Mahadey.

Askarta weerarka lagu dhaawacay ayaa la gaarsiyay Isbitaalka magaalada Jowhar si loogu dabiibo.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG