Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in jiraan afar muwaadin oo Soomaali ah oo ka yimid dalka Shiinaha, oo ay u karantiileen si ay u xaqiijiyaan inay ka bed qabaan fayruska Coronavirus ee dunida faraha ba’an ku haya.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in afartaasi qof ay galeen Soomaaliya 10-kii iyo 11-kii Maarso 2020, laguna hakiyay gegida diyaaradaha ee Aadan Cabdulle.
Dadkaas ayaa sida ay wasaaradda sheegtay kadib loo gudbiyey goob gaar ah oo lagu haynayo inta ay ka dhamaasanyaan mudadada xilli-huuriska ee loogu tala galay in la haayo dadka soo maray meelo uu ka jiro cudurka COVID-19.
Wasaaraddu waxey sheegtay in dadkaasi ay ka qaaday dheecaanno si baaritaan loogu diro looguna soo sameeyo dalka dibaddiisa.
Waxey sheegtay in ilaa iyo hadda aysan dadkaasi ka muuqan wax calaamada ah oo muujinaya inay qabaan cudurka COVID-19, isla markaana aanu jirin welwel laga qabo, laakiin ay marsiinayaan habraaca hubinta.
Ugu danbayntii, wasaaradda caafimaadka ayaa kula talinaysay dhamaan dadka kasoo safraya waddamada uu ka jiro feyruskan inay hakiyaan safarada ay ku imanayaan Soomaaliya.