Somaliland iyo Midowga Yurub ayaa iska kaashanaya barnaamij lagu dhawrayo taariikhda soo jireenka ah ee xarunta taariikhiga ah ee Laas Geel oo ka tirsan gobolka Maroodi Jeex.
Munaasabad lagu daah furayay mashruuca ilaalinta goobtan ayay ka qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga.
Dr. Jaamac Muuse Jaamac waa gudoomiyaha xarunta dhaqan ee Hargeysa oo iyagu mashruuca lagu ilaalinayo taariikhda goobtan fulinaya, waxaana uu Cabdixakiim Maxamuud Shirwac uu uga waramay goobtani waxa ay tahay iyo sida loo ilaalinayo.