Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Xaqiijiyey in Bashiir Qoorgaab la Dilay


Sarkaal ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa u sheegay idaacadda VOA inay aamisan yihiin inuu dhintay mid ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa ee ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Maxamuud oo loo yaqaan Bashiir Qoorgaab.

“Waxaan aaminsanahay in Bashiir Maxamed Maxamuud (Qoorgaab) lag dilay” ayuu afhayeenka Taliska Mareykanka ee Africa Col. Chris Karns u sheegay VOA.

Duqeynta ayaa ka dhacday magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Bashiir Qoorgaab ayaa duqayn lala beegsaday 22-kii bishii aynu soo dhaafnay ee Febraayo.

Maraykanku waxay sheegeen in Bashiir Qoorgaab oo meesha ka baxa ay tahay horumar iyo khatar kusoo wajahnayd dadka Afrikaanka ah iyo kuwa Maraykanka ah oo meesha ka baxday.

Maraykanka ayaa sheegay in Bashiir Qoorgaab uu ku lug lahaa weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya 5-tii Jannaayo ee sannadkan oo ay ku dhinteen saddex muwaadin oo Maraykan ah isla markaana lagu burburiyey lix diyaaradood.

Qoorgaab ayaa jagooyin kala duwan kasoo qabtay ururka Al-Shabaab oo ay ka mid tahay madaxa ciidamada, iyo unugyada kale ee jabhadaha ee ka hawlgala dalka Kenya.

Waxa lagu tilmaamaa inuu ahaa saraakiisha muddada dheer kusoo jiray ururka Al-Shabaab.

Haddaba, dilkan Bashiir Qoorgaab iyo saamayntiisa ayaa Nuur Bukhaari waxa uu ka waraystay Taliye Ku-xigeenkii Hay'adda Nabadsugidda Soomaaliya Ismaaciil Daahir Cusmaan.

Wareysi Ismaaciil Daahir Cusmaan
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:27 0:00


XS
SM
MD
LG