Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar qarax lagula eegtay duleedka Awdheegle


Ciidamada

Hal askari ayaa ku dhintay, afar kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray qarax lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamada dowladda oo marayey agagaarka degmada Awdheegle ee goblka Shabeellaha Hoose.

Dhaawacyada askartan ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidamada qaraxa lala beegsaday ayaa fulinayey howl-gallo kooxda Al-Shabaab looga sifeynayo deegaanada ku dhow Awdheegle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka.

Warbixintan waxaa Baydhaba kasoo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Askar qarax lagula eegtay duleedka Awdheegle
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:15 0:00


XS
SM
MD
LG