Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegay inay isku raaceen inay ku midoobaan hal xisbi siyaasadeed.
Go’aankan ayaa waxaa lagu shaaciyey qoraal ay Madasha kasoo saareen shir socday shan maalmood oo xubnaha ay ku yeesheen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
“Madashu iyadoo ka ambaqaadaysa marxaladda uu dalku marayo iyo muhiimadda ay leedahay midnimadu, xisbiyada ay ka koobantahay madashu waxay isku raaceen in ay ku midoobaan hal xisbi siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen Madasha.
Waxay sidoo kale sheegeen inay magacaabeen guddi farsamo oo muddo 45 casho guduhood kusoo dhameystira howlaha farsamo ee la xariira arrintaas.
Qoraalka ay soo saareen ayey Madasha sidoo kale ku baaqeen in doorashada Soomaaliya ay ku dhacdo waqtiga loo asteeyey laguna galo hanaanka Axsaabta badan.
Waxay sidoo kale ku baaqeen wada-hadallo ay isugu yimaadaan saamileyda siyaasadeed ee dalka sida: Dawladda Federaalka, dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka iyo Xisbiyada Siyaasadeed, “si ay isfaham uga gaaraan arrimaha masiiriga ah ee la xiriira hirgelinta doorashada 20/21.”
Madasha Xisbiyada 'oo ku midoobaya' hal xisbi siyaasadeed
- Ahmed Ali Sheikh
