Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo iyo Uhuru 'oo ka wada hadlay' xiisadda labada dal


Uhuru iyo Farmaajo

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka kuwa wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

War lagu daabacay maanta barta Twitter-ka ee madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Kenyatta ay sheegeen in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.

Wadahadallada labadan hogaamiye ayaa yimid kaddib markii labada dawladood ay midba tan kale ku eedaysay inay kusoo xadgudubtay madaxbannaanideeda.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG