Khubarada caafimaadka ayaa qaba in baahi xoog badan loo qabo adeegyada caafimaadka dhimirka ee dalka Somalia. Sanado badan oo dagaalo sokeeye ah iyo adeegan oo maqnaa ayaa keenay in dad badani la il daran yihiiin xanuunada maskaxda.
Haddaba heerka daryeelka ee xanuunkan ayaa Falastin Axmed Imaan ay ka wareysatay Roodo Cabdullaahi Colaad oo madax ka ah xarunta Maandeeq ee xanuunka Dhimirka ee magaalada Muqdisho. Roodo waxay horay u soo noqotay Guddoomiyaha Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Roodo ayaa marka hore ka hadlaysa xaaladaha hadda jirta.