Waxaa maanta dalka Jabuuti lagusoo gabagabeeyay tababar soconayay muddo sadax maalin ah, kaasi oo loo qabtay saxafiyiin ka howlgala laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da iyo wariyayaal ka shaqeeya golaha warbaahinta dowladda Jabuuti.
Weriyayaasha kasoo qeyb-galay tababarka ayaa ka kala yimid magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Boosaaso, qaar ka mid ah magaalooyinka Kenya iyo Jabuuti.
Saxafiyiintaasi ayaa bartay anshaxa saxaafadda, dheelitirka wararka iyo casharro ku saabsan Af-Soomaaliga. Warbixin arrintaasi ku saabaan waxaa Jabuuti kasoo Cabdicasiis Axmed Barrow.
Facebook Forum