Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin 'weerar qorsheynayey' oo lagu qabtay Baydhaba


Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in mas'uuliyiinta ay shalay qabteen nin watay waxyaabaha qarxa oo la aaminsan yahay inuu maleegayey weerra laga gaysto magaalada Baydhaba.

Mas'uuliyiin dhinaca amniga ah ayaa sheegay in lagu qabtay jaakadda uu ku rakiban yahay qarax, afar qasnadood oo rasaas ah iyo qori.

Mas'uuliyiintu waxay sheeegeen in markii uu magaalada soo galay uu qalabka dhigtay guri kadibna ay ciidamada amnigu ogaadeen

Dhinaca kale mas'uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu isa soo dhiibay xubin ka tirsanaa ururka Al-Shabaab oo ka hawlgeli jiray Jubbooyinka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG