Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir oo xilka laga qaaday


NISA
NISA

Warar goor dhowayd naga soo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xilka laga qaaday Taliyihii Nabadsugidda ee Gobolka Banaadir Ibraahim Macallin Cabdullaahi.

Laba ilo wareed ayaa VOA u sheegay in xilkaas si ku meel gaar ah loogu dhiibay Ciise Maxamed oo ka mid ahaa saraakiisha hoose ee hay’adda.

Ilaa hadda ma cadda sababta xilka looga qaaday Taliyaha nabadsugidda Gobolka Banaadir Ibraahinm Macalin Cabdullaahi.

XS
SM
MD
LG