Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Markale Duqeysay Anteenooyinka Shirkadda Hormuud


Wararka ka imanaya degmada Ceel Waaq oo ka tirsan gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay xalay 10-kii habeennimo ay weerar ku qaadeen goob ay ku taalo mid ka mid ah anteenooyinka, ama taawerka shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud.

Wararka ayaa sheegaya in illaa 11 gantaal ay ku dheceen deegaanka ay anteenooyinkaasi ku yaallaan.

Haddaba, Cabdi Xaafid Cawil Ismaaciil ayaa arrimahan ka wareystay Xassan Aadan Biixi oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo jooga degmada Ceel Waaq, markii duqayntaas dhacdeyna sida uu sheegay ku sugnaa meel 30 km u jirta goobta la duqeeyey.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:18 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG