Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug: Dagaal ka dhex qarxay dowladda iyo Ahlu-Sunna


Ciidamada

Dagaal u dhexeeya ciidamada dawladda federalka Somalia iyo kuwa ururka Ahlu-Sunna, ayaa ka socda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, inkasta oo la sheegay in haatan dagaalka Guriceel uu yara hakaday wixii ka dambeeyay 2-dii Duhurnimo.

Dagaalkan oo bilawday xalay abaaro 10 kii habeenimo ee xiliga Geeska Africa, ayaa inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen in ka badan 10 qof oo iskugu jira dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah.

Sidoo kale in ka badan 20 qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen, qaar ka mid ah dhaawacyadaasi ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho.

Haddaba Cabdixakiin Maxamuud Shirwac ayaa wararkii u danbeeyey ee xaaladda Dhuusomareeb ka wareystay wariyaha VOA-da gobolada Dhexe Cabdiwaaxid Macallin Isaaq.‚Äč

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:29 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG