Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo mas'uuliyiin ku dilay Baardheere


Shabaab

Wararka naga soo gaadhaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay saddex qof lagu dilay magaalada kadib markii habeenimadii guryahooda lagala baxay.

Saddexdan qof ee la dilay ayaa laba ka mid ah waxay guddoomiyeyaal ka ahaayeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay mas’uliiyadda dilka, waxayna intaas ku dartay in saddexda qof ee ay dileen “ay ahaayeen guddomiye waaxeedyo.”

Mas’uuliyiinta gobolka Gedo weli kama aysan hadlin dilalka ay kooxda Al-Shabaab xalay ka fulisay degmada Baardheere.

Sahra Cabdi Axmed ayaa arrimahan ka waraysatay Cabdi-Guhaad Maxamuud Macallin Cumar oo ah Taliye xigeenka saldhigga booliiska ee Baardheere.

Al-Shabaab oo mas'uuliyiin ku dilay Baardheere
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:22 0:00


XS
SM
MD
LG