Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkaal ka Tirsan Hormuud oo Duqeyn Ku Dhintay


Hormuud
Hormuud

Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay in sarkaal u shaqaynayey lagu dilay duqayn maanta ka dhacday meel u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe Dhexe.

Cadnana Xaaji Cali oo ka tirsab shirkadda Hormuud ayaa VOA u sheegay in duqayntaas uu ku dhintay Maxamuud Xaaji Salaad oo ahaa maamulihii shyirkadda ee magaalada Jilib.

Cadnaan Xaaji Cali ayaa VOA u sheegay in ninkaasi aanu wax shaqo ah ku lahayn urur ama koox, waxaana uu sheegay inuu ahaa nin rayid ah oo shirkadda u shaqaynayey tan iyo intii la aasaasay.

Maxamuud Xaaji Salaad ayaa la sheegay inuu ku sugnaa beertiisa markii duqayntu dhacday, sida uu VOA u sheegay Cadnaan Xaaji Cali.

Maraykanka ayaa maanta sheegay in duqaynta ay gaysteen ay ku dileen xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyo inaan wax rayid ah wax ku noqonin duqayntaas.

VOA Somali waxay la xiriirtay taliska AFRICOM ee gaystay duqyantan, ilaa haatanna jawaab kama aynaan helin.

XS
SM
MD
LG