Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud ayaa waraysi uu siiyey idaacadda VOA kaga hadlay saamaynta abaarihii soo maray gobolka iyo colaaduhu ku yeesheen dadka Gobolka.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in degaannada ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha ay weli ka maqan yihiin adeegyada aasaasiga ah.
Weriyiyahayaga Cabdikariim Olol ayaa la kulmay guddoomiyaha, waraysiga uu la yeeshayna waxa uu marka hore kaga hadlayaa dhibaatooyinka sida gaarka ah u haysta gobolka.