Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn Al-Shabab lagula eegtay degamada Saakoow


FILE - Al-Shabab fighters sit on a truck as they patrol in Mogadishu, Somalia,Oct. 30, 2009.
FILE - Al-Shabab fighters sit on a truck as they patrol in Mogadishu, Somalia,Oct. 30, 2009.

Ciidanka Mareykanka ee ka howlgala Africa ayaa sheegay, in duqeyn cirka ah oo ay shalay ka fuliyeen degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe ku dileen, maleeshiyo ka tirsan ururka Al Shabab.

War-saxaafadeed maanta kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay, in weerarkaasi oo ay iska kaashaxdeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo AFRICOM lagu bartilmaameedsaday xarun ay Al Shabab ku leedahay Saakow.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in qiimeynta howdhaca ah ee weerarkaasi ay muujineyso, in la dilay laba ka tirsan Al Shabab sidoo kalana lagu dhaawacay mid kale.

Taliye-kuxigeenka dhanka howlgallada ee ciidanka AFRICON, Brig. Gen. Miguel Castellanos ayaa sheegay, in Al Shabab ay si aanan kala sooc-lahayn u disho dadka. Wuxuu intaasi ku daray in ay ka faa’ideystaan dadka Soomaalida ee dayacan, qoysaska barakaca ah isla markaana ay canshuur qasab ah saarto dadka.

Mareykanka wuxuu sheegay in weerarka ay ka fuliyeen degmada Saakoow aysan waxyeello kasoo gaarin dadka rayidka ah.

XS
SM
MD
LG