Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Degmada Qoryooley oo go'doon gashay


Askari Amisom ah oo socda buundada Qoryooley (Sawir hore)

Waxaa hakad galay isku socodka gaadiidka badeecooyinka keeni jiray iyo kuwa qudaarta ka qaadi jiray degmada Qoryooley ee Gobalka Shabeelaha Hoose, kadib markii dhawaan kooxda Al-Shabab ay gaari qarxay la beegsadeen mid ka mid ah labada buundo ee magaalada.

Mamaulka degmada ayaa sheegay in ujeeddada koxoda Al-Shabaab ay buundada u qarxiyeen inay ahayd in la go’doomiyo magaalada.

Kooxda Al-Shabaab aya laba maalin ka hor weerar xooggan ku qaaday degmada Qoryooley, balse waxay iska caabin xooggan kala kulmeen ciidamada deegaanka.

Wariyaha VOA-da Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixin uu arintaasi ku eegayo ka soo diray magaalada Baydhabo.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:21 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG