Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa looga hortagi la'yahay weerarada Al-Shabaab ee saldhigyada?


Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weeraray laba saldhig oo militari oo ay ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, sida ay sheegeen saraakiil militari.

Saldhigyada la weeraray ayaa kala ah saldhigga Ceel-Saliini, oo qiyaastii 55 KM u jira Muqdisho iyo saldhigga ay ciidamada deegaanku ku leeyihiin magaalada Qoryooley oo 120 KM koonfur ka xiga Muqdisho.

Haddaba maxay yihiin waxyaabaha sababaya weerraradan soo noqnoqanaya ee ururka Al-Shababa ay ku qaadayaan saldhigyada ciidamada?

Su’aashaas iyo kuwo kale ayaa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac uu ka waraystay Sarreeye Guuto Cabdullaahi Aadan Xuseen oo ka faallooda arrimaha gaashaandhigga iyo ciidamada.

Maxaa looga hortagi la'yahay weerarada Al-Shabaab ee saldhigyada?
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:54 0:00


XS
SM
MD
LG